Qoor qoor oo AMISOM kala hadlay amaanka Dhuusamareeb

Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Axmed Cabdi Kaariye iyo Saraakiisha AMISOM ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug,gaar ahaan Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarun Maamulka Galmudug iyo deegaanada hoos taga.

War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa sidookale lagu sheegay in la isla gartay sidii ay howl galo uga samayn lahaayeen deegaanadda ay Maamulaan Al shabaab ee Goboladda Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

“Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay Ciidamada Amisom ee ka howlgala Galmudug waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug, sidookale waxa la isla gartay sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab si loogu soo dabaalo Amni iyo Cadaalad oo ay helaan dhammaan shacabka reer Galmudug” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Jubbland.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa horay ula kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Amaanka Dowladda Soomaaliya eek u sugan Dhuusamareeb.