Madaxweyne Farmaajo oo raali galin ka bixiyay Xasuuqii ka dhacay Golada Waqooyi.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Farmaajo, Ayaa Cudur-daar iyo Raali galin ka bixiyay  Xasuuqii ay dawladdii Milatariga Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre u gaysatay Shacabkii  gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Madaxweyne  farmaajo ayaa cafis ka dalbaday shacabka Somaliland isagoo maanta khudbad ka jeediyay Shirka Garsoorka oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

” wixii Wuqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo wuqooyi ku duushay,wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd Sistam dowli ah oo markaas jiray,anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan gaarsiino walaalaheen adinkuna aad ila qaadataan ayaa loo baahan yahay”ayaa lagu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata isla markaana xoojinaya raaligelinta ayuu ku daray “madaxweyne ahaan cudur daar ayaan ka sameynayaa waana ka raali galinayaa dadka dhibku ka soo gaaray nidaamka dowliga ah”.

Hadalka kasoo yeeray Farmaajo ayaa imaanaya iyaddoo maalin kahor uu caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kula kulmay Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha Somaliland.