Faah-faahinta: laba qof oo lagu toogtay magaalada Boosaaso.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari xiligii Salaada Jimcaha, iyadoo weerarkan laba qof dhaawac daran loogu geystay.

Sida wararku sheegayaan, dabley hubeysa ayaa rasaas huwisay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland ee magaalada Boosaaso, wuxuu weerarka si gaara uga dhacay agagaarka Masaajidka Faadumo ee Magaalada Boosaaso.

Sarkaalka la dhaawacay oo lagu magacaabo Korneyl Cumar Warsame Ciise, ayaa ah Taliyaha Saldhigga Booliska ee Nuur Salaad, waxeyna rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta Xaldoon.Net u sheegay inuu jiro qof Shacab ah oo ku dhaawacmay rasaasta lagu tooganayay Sarkaalka, iyadoo labadooduba lagu daniibayo Isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso.

Ciidamada Amaanka maamulka Puntland oo daqiiqado kadib weerarka gaaray goobta ayaa ka sameeyay howlgal aan wax natiija ah ka dhalan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada toogashada.