Mareykanka oo shaaciyay tirada muwaadiniintiisa ee lagu dilay weerarkii Shabaab ee Kaam Simba.

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in saddex qof uga dhinteen weerar Al shabaab shalay Ku qaadday Saldhig Ciidanka Badda Kenya Ku leeyihiin Gobolka Lamu ee dalkaasi Kenya.

War ka soo baxay taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Askari Mareykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsanaa Wasaaradda difaaca Mareykanka Ku dhinteen.

Al shabaab oo dhinacooda ka hadlay weerarkaas ayaa sheegatay in askar kenyaan iyo Mareykan ah ah Ku leysay weerarka saldhigga Simba.

Sidoo kale Al Shabaab waxaa ay sheegteen in 7 diyaaradood oo Garoonka dhextaallay biyo Gaadiidba ay Ku gubeen gudaha saldhigga.

Sawirro ay baahisay Al shabaab ayaa lagu arkayaa mid kamid ciidamadii al shabaab oo agtaagan diyaarad gubaneysa sidoo kalena calanka Al shabaab ka dul babanayo.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in weerarka ay fashiliyeen, afar ka mid ah Al shabaabna lagu dilay albaabka hore ee saldhigga.

Xaqiijinta dhimashada Mareykanka ka soo gaartay Kaam Simba ayaa waxaa ay beenineysaa warka ay baahisay wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Kenya.