Home NEWS Laba kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab iyo 8 ilaalo u eheyd oo lagu...

Laba kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab iyo 8 ilaalo u eheyd oo lagu qabtay Sh.Hoose.

118
0
SHARE

Ciidamada sida gaarka ah uu u tababaray Mareykanka ee DANAB oo howlgal shalay ku galay deegaanka Toora Tooroow ayaa gacanta ku soo dhigay laba kamid ah Saraakiiha Al-Shabaab iyo 8 dagaalame.

Saraakiisha la qabtay ayaa kala ah Garsoorihii Maxkamadda Al Shabaab ee Toora Toorow Macalin Abuukar iyo Madaxii Zakaawaat Al Shabaab ee Toora Toorow, sidaas waxaa xsqiijiyay Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oranje.

Sida wararku sheegayaab, xubnahan waxaa dhamaantood loo soo qaaday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo ay ka bilaabaneyso baarista danbiyadooda.

Afhayeenka oo wax laga weydiiyay in deegaankan Shabaab muhiimka u ahaa ay dib uga soo laabanayaan sida dhowr jeer oo hore dhacday, ayaa ku jawaabay in horey oo kaliya loo sii socon doono.

“Toora Toorow waxaa weeye dhul istiraatiiji ah oo Al Shabaab ay qaraxyada ay dalka ka gaystaan ay ka maleygi jireen. Marka waa meel aad u muhiim ah, Waxay Danab iyo Dowladda Soomaaliyeedba ay ballanqaadeen inaanan dib looga soo laaban doonin hadda ka dib deegaan ay ciidamadu qabsadeen.” Ayuu yiri Ismaaciil Oranjo

LEAVE A REPLY