Home NEWS Kenya oo u digtay Ganacsatada Al shabaab lacagta siiya.

Kenya oo u digtay Ganacsatada Al shabaab lacagta siiya.

9
0
SHARE

Dowladda Kenya ayaa digniin u dirtay dad ay sheegtay in ay dhaqaale siiyaan Al-shabaab kuwaas oo kaddibna u adeegsada weerrada ay ka fuliyaan gudaha Waddanka Kenya.

Wasiirka amniga gudaha Kenya fred Matiani’e ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si gaar ah isha ugu heyso shaqsiyaad dhaqaale ku bixiya Al-shabaab lalana xisaabtamayo.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Ganacsiga Kontara baanka ah ka gudbiya Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ay bir tilmaameed u yihiin Ciidamada amaanka Kenya.

Waxaa uu Wasiirku ka hadlayay kulan looga hadlayay amaanka Gobolka Soomaalida oo sanadkan cusub ku bateen weerarrada Al-shabaab.

Xildhibaan ka mid ah kuwa laga doorto Gobolka Soomaalida oo lagu magacaabo Adan Kenyaan ayaa dowladda Kenya kula taliyay in la hubeeyo dadka degaanka si ay isaga celiyaan Al-shabaab.

Wasiir Matiang’i  ayaa sheegay in muhiimaddu tahay in dadka degaanka ay kaliya si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha amaanka lana wadaagaan xogaha la xiriira dhaq dhaqaaqyada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Bishan January sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya taas oo wlaaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee aan Muslimka ahayn.

 

LEAVE A REPLY