Al shabaab oo 3 ruux oo kenyan ah ku dishay Gobolka Lamu.

Saddex qof ayaa lagu dilay weerar ay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab maanta la beegsadeen Bas marayey Deegaanka Nayongora ee Gobalka Laamu ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha Laamu, Irungu Majariya oo la hadlay Saxaafadda ayaa xaqiijiyey in weerarka Alshabaab ku qaadeen Bas ay la socdeen dad Rakaab ah oo ka yimid magaalladda Mombasa, kuna sii jeeda magaalladda Laamu.

Waxa uu intaasi ku daray in weerarkaasi  lagu dilay 3 qof, halka 3 kalena lagu dhaawacay.

Dhanka kale, Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay hakad geliyeen Gaadiidka isaga kala goosha Laamu iyo Garsen, iyadoo Ciiddamo badan oo ay ku jiraan kuwo Milliteri ah ay go’doomiyeen Deegaankaasi.

Sanadkii la soo dhaafay Al-shabaab ayaa 11 qof oo 8 ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Boolis ku dilay duleedka Wajeer kaddib markii ay jidka u galeen Bas waday 56 qof oo ay kala degeen tiro dad aan Muslimiin ahayn