Home NEWS Madaxweynihii Suudaan Al Bashiir oo la tooganayo.

Madaxweynihii Suudaan Al Bashiir oo la tooganayo.

26
0
SHARE

Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa wajahaya xukun dil ah oo ka dhalan kara doorkii uu ku lahaa Afgambigii uu dalkaas ku qabsaday sanadkii 1989kii.

Xeer ilaaliyaha guud ee Suudaan ayaa magacaabay Guddi xeer beegti ah oo dabagal ku sameeya doorka Cumar Al-Bashiir uu kulahaa Afgambiga horseeday in uu isaga xilka qabto.

Afgambiga Al-Bashiir xilka geeyay waxaa uu meesha ka saaray dowladdii ay dadka reer Suudaan sida Dimuqraadiga ah u doorteen ee uu hoggaaminayay Saadiq Al Mahdi.

Xeer Ilaaliye Taj Al-Sir Ali Al-Habr , ayaa sheegay in Guddiga uu magacaabay ay baari doonaan doorkii Afgambigii 30kii June 1989kii ee Madaxda rayidka iyo kuwa Milatariga ee Xisbigii Talada hayay ee AL-Bashiir hoggaaminayay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa waxaa uu sheegay in haddii dambiyadaas lagu helo AL-Bashiir iyo xubnaha ugu sarreeya Xisbigiisa ay wajihi karaan dil toogasho ah am xabsi daa’in.

LEAVE A REPLY