Home NEWS XOG: Shaqaalaha gobolka Banaadir oo wata Oday Dhaqameed iyo Xidlhibaan oo maanta...

XOG: Shaqaalaha gobolka Banaadir oo wata Oday Dhaqameed iyo Xidlhibaan oo maanta xarunta NISA ku sii jeeda.

173
0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir ay saaka iska xaadirinayaan xarunta Nabad Sugida Soomaaliya Habar Khadiiji ee ku taala degmada Shibis.

Sida wararku sheegayaan, Saraakiisha NISA ayaa u sheegay dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir looga baahan yahay iney xaruntan iska xaadiriyaan, si loogu sameeyo baaritaano ku aadan cida shaqaaleysiiyay? Qofka Damiintay? Iyo Qabiilkiisa.

Mid kamid ah shaqaalaha Aqalka dowladda Hoose, ayaa Xaldoon.Net u sheegay in looga baahan yahay iney Xarunta Sirdoonka Soomaaliya ay geeyaan Oday Dhaqameedkiisa iyo Xildhibaankiisa, kaasoo damiin ka noqonaya, iyagoo Basas dhaadheer looga qaadayo xarunta Gobolka Banaadir.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in marka ay Odayaasha iyo Xildhibaanada geeyaan shaqaalahan mid mid loo wacayo, iyadoo la weydiinayo inuu damiin ka yahay iyo sida uu u egyahay qofka uu isaga damiinanayo, tani waxey salka ku heysaa in la aqoonsado inuu Xildhibaanka ama Odaygan garanayo qofka uu damiinka ka noqonayo.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ay ku hubineyso shaqaalaha xarunta gobolka Banaadir, halkaasoo 24-kii July ay isku qarxisay Haweeney kamid eheyd shaqaalaha Aqalka dowladda Hoose, wixii xiligaasi ka danbeeyayna waxaa laga shakiyay howlwadeenada Aqalka dowladda Hoose.

Qaraxaas waxaa lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow,Gudoomiyayaashii degmooyinka Waaberi,Shangaani iyo C/Casiis iyo Saddex Agaasime Waaxeed.

LEAVE A REPLY