Home NEWS Villa Somaliya oo beri Barakacayaal Xildhibaano ka dhigeysa.

Villa Somaliya oo beri Barakacayaal Xildhibaano ka dhigeysa.

132
0
SHARE

Iyadoo maalinta berri lagu wado inuu furmo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa farriimo loo diray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa lagu wargeliyay inay keenaan min boqol ruux oo ka qeyb gala furitaanka Kafadhiga 6aad oo Madaxweynaha si rasmi ah u furi doono.

Waxaa la saadaalinayaa in furitaanka Kalfadhiga 6aad aanay soo xaadiri doonin Xildhibaano badan, maadaama ay Gobolada iyo dalka dibaddiisa ku maqan yihiin.

Arintan ayaa looga gol leeyahay si uu u buuxsamo kooramka madasha uu Madaxweynaha xaadirayo, iyadoo Villa Soomaaliya ay sameyneyso isku day kasta oo dad badan ay kaga soo muuqa karaan xarunta Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Sidoo kale Villa Somaliya ayaa isugu yeertay goobta dhamaan Warbaahinta, kuwaasoo soo tabin doono waxa halkaasi ka socda, halka markii hore loo yeeri jiray oo kaliya inyar oo kooban oo Warbaahin ah.

LEAVE A REPLY