Home NEWS Taliyaha Ciidamada Haramcad Qaaroole oo xalay isku day dil ahaa ka badbaaday.

Taliyaha Ciidamada Haramcad Qaaroole oo xalay isku day dil ahaa ka badbaaday.

238
0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay Kolonyo gaadiid ah uu watay Taliyaha Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee HARAMCAD.

Qaraxa oo ahaa Miino weyn oo wadada dhineceeda la dhigay ayaa qabsatay mid kamid ah gaadiidka ay wateen Ciidanka oo xiligaasi ku sii jeeday deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana qaraxa uu si rasmi ah uga dhacay aagga Isbitaalka Al-Biri.

Mid kamid ah Saraakiishii la beegsaday ayaa Warbaahinta Xaldoon.Net u sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Afar Askari, halka ay ku dhaawacmeen Saddex askari oo kale, askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacantay ayaa la keenay Isbitaalka Madiino.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa durba deg deg u gaaray Ciidamo uu watay Mahad Koroow oo ah Taliyaha Ciidanka Aqalka Dowladda Hoose, waxeyna halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaana ah, wallow aan la soo sheegin cid ay baarista ku soo qabteen.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa mudooyinkan joogto ka noqotay qaraxyada ay ka geysanayaan Shabaab, iyadoo Todobaadkii hore lagu dilay Lix Askari oo ka tirsan Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo uu ku jiray Sarkaal sare.

LEAVE A REPLY