Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Xildhibaano mucaarad ku ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho, iyadoo ay halkaasi isku arkeen xubno kamid ah mucaaradkiisa.

Madaxweynaha waxaa kulankan Casho ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac.

Xildhibaanadan ayaa ah kuwo si aad ah u dhaliilsan Siyaasadiisa, iyadoo dhowr jeer ay Warbaahinta u mariyeen dhaliilo ka dhan ah habka uu wax u maamulo, warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in xal laga gaaray tabashada xubnahan.

Kulanka Cashada ah oo uu soo diyaariyey Mulkiilaha Beerta Dalxiiska Ganacsade Daahir Cabdullaahi Kilwe, Waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ku casheeyeen qeybta dhaqanka ee Beerta Dalxiiska, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay Cunto dhaqameed iyo Agab dhaqameed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dhallinyarada reer Puntland ee isu xilqaamay hirgelinta xarunta Beerta Dalxiiska, isagoo ugu baaqay dhammaan dadweynaha reer Puntland in kor loo qaado maalgashiga dalka.

No photo description available.Image may contain: 6 people, people smiling, bedroom and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, beardImage may contain: one or more people, night, bridge, sky and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, night and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, night and outdoor