Home NEWS Sawirro: 300 Askari oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida oo tababar loo soo...

Sawirro: 300 Askari oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida oo tababar loo soo xiray.

29
0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen Ciidamo cusub oo Boolis ah, kuwaasoo kamid noqonaya ilaalada Ismaamulka.

Ciidamadan oo gaaraya ilaa 300 askari, ayaa isugu jira rag iyo dumar, waxeyna qaateen tababarka Booliska noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ugu sareysa ee Ciidamada Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa u balanqaaday askartan iney iney heli doonaan xuququdooda, iyagana looga baahan yahay iney ka fogaadaan wax kasta oo hoos u dhigi kara sumcadooda.

Askartan ayaa la filayaa in look ala qeybiyo Saldhigyada Booliska ee magaalada Jigjiga oo ah xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana la filayaa iney isbedel muuqda ku sameeyaan shaqada Ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY