Home NEWS Maalinkii 14 Oktoobar : (Waxa Qoray Cumar Seerbiya)

Maalinkii 14 Oktoobar : (Waxa Qoray Cumar Seerbiya)

36
0
SHARE

Galabnimadii jimcada ee ka horreysay sabtidii uu qaraxu ka dhacay Muqdisho , anaga oo ka kooban saaxiibada kala , Nageeye, Cabdiqani , Xasan iyo Cumar waxaannu shaah iyo sheeko ku wadaagnay xeebta Liido . markii ay qorraxdii dhacday ee uu bilaabmay habeenkii Sabtidu waxa goobta yimi dhawr qof oo kale oo aan qaarkood weji ahaan isku naqaanno kuwa kalena ay saaxiibaday isgaranayeen .

Dadkaasi waxa ka mid ahaa Cabdiraxmaan oo tiraba xasuustayda aan laba meelood oo hore isugu nimi sidoo kale ay isgaranayeen Xasan oo nala socday , Cabdiraxmaan ayaan halkii istaag ku sheekaysanay waqti aan badnayn waxaanu hadalkiis u horreysiiyey in ay magaalada ka jirto digniin sheegaysa in uu dhici karo Qarax waxaanu ku taliyey in aannu goobta aan joogno iyo magaalada kaleba laga hooydo oo guryihii la aado .

Ma xasuusto in aannu qaadanay taladii iyo in kale balse saaxiibkayo Nageeye oo maalinka sabtida ee barri ah Hargeysa u safrayey ayaannu halkii hadalo macasalaamayn iyo xasuuso ah iskula qaadanay , ka dibna waannu kala hooyanay dhammaantayo .

Markii subaxdii sabtida la gaadhay anigu waxaan u soo shaqo tagay xaruntaydii Warbaahinta Goobjoog oo sida caadiga ah lix maalin oo todobaadkii ah aan si joogto ah uga hawlgeli jiray , salaaddii Duhur ka ka dib waxa ila soo hadlay nin Muqdisho ku cusbaa oo uu igu soo xidhay saaxiib kale oo Bosaaso jooga si aan uga caawiyo hawlo uu magaalada ka lahaa , markii aan la hadlay wuxuu ii sheegay inuu joogo xaafadda Buulla xuubay , waan u baxay si aan ugu tago , halkii ayaanan la soo joogay ilaa ku dhawaad Saacad iyo badh.

Ka dibna waan soo laabtay iyada oo waqtigu ku dhawyahay 3-da galabnimo. Waxaan soo raacay Bajaaj, si aan ugu imaado shaqadaydii markii aan Isgoyska Soobbe marayno ayaannu weynay meel aan ka baxno madaama uu jidka xidhay Baabuur weyn oo la sheegay inuu raashin sido.

Waan ka degay Bajaajtii waxaanan soo dhexmaray Hoteelka Safaari ee ka soo horjeeda Soobbe oo markaasi goobt a shaqaduna ay u jirto ugu badnaan 200 oo tallaabo oo keliya . Maqaayadda waxa fadhiyey dhawr qof oo aan is naqaanno waxa ka mid ahaa Cabdiraxmaan oo aannu xalay wada joognay iyo Pro Carraale oo aan maalmahaasi uun isku baranay isla Safaari.

Waxay iga codsadeen inaan la soo fadhiisto oo aan la shaaheeyo balse maddaama aanan shaqada saacado ka maqnaa waan ka cudur daartay waanan sii dhaafay aniga oo u mahadcelinaya , markii aan imi shaqadii ee aan dib u bilaabay in hawlihii ii yaallay aan sii wado ayaan aniga iyo saaxiibkay Axmed Daahir Cumar oo aannu shaqo wadaagna ahayn aan ku tashanay in aannu ka soo danaysano bannaanka gaar ahaan maqaayadda Fatxi ee ka horjeeda Isgoyska Soobbe .

Anaga oo iridda dhismaha shaqada taagan oo rabna inaan Soobbe dhankiisa aadno waxa na salaamay Aweys Xasan oo maalmo naga maqnaa , si aannu isku xaal waraysanno ayaan dib ugu soo laabanay gudaha shaqada , ka dibna Axmed Daahir wuxuu ii sheegay inuu daawanayo ciyaar markaasi socotay oo aanu ii raaci Karin Soobbe ,

Halkii ayaan anna dib ugu fadhiistay kursigaygii oo dhanka bidix ka xigay midka uu ku fadhiyo C/laahi Cismaan Xaaji , C/laahi ayaa ila hadlay intii aannu si fiican u dhammaysanin ujeedkii waxaannu hal mar dareenay in Qiiq iyo uuro isku xidhay xafiiskii shaqada, waxaan arkay saaxiibbo gurguuranaya iyo kuwa ordaaya , isla markiiba waxaan go’aansanay in aan bannaanka u soo orodno haddana bannaankii oo dhan waxa qariyey uuro oo waxba lama arki karo , dad ayaa qaylinaya , kuwa kale ayaa ordaaya , xabado ayaa dhacaya inta midna ma garan kartid meel ay wax ka socdaan iyo dhan ay u socdaan toona xattaa waxa socda midna .

Qofkasta wixii la gudboonaa ayuu sameeyey . Waxaan u horreeyey ee aan arkay waxa ka mid ahaa Cabdiqani oo aan xalay wada joognay dhaawacan iskuna dayaya inuu socdo balse lugihiisa midkood laabantahay iyo Xasan oo ku qaylinaya “Cabdiqani ayaa dhaawac ah” waxaan arkay meeshii oo ay ku soo daateen hilbo dad oo googa’an

.Jawigu wuu qasmaymar dambe ayaan ogaaday in Cabdiraxmaan iyo Pro Carraale oo aan waxyar uun ka hor ku soo maray Safaari ay iyagunaisla meeshoodii ay ku qudh go’een Cabdiraxmaan Xalay ayuun buu nooga digayey khatar nafaheena galaafan karta oo ka dhici karta magaalada , Carraale-na wax ka yar 20 daqiiqo ka hor ayuu igu lahaa kaalay oo Shaahan ila cab .

Markii xigtay ayaa la ii sheegay in Maryan oo habeenkii khamiista isla todobaadkaasi aannu isbaranay in iyaduna ku nafweyday qaraxa . haddana waxaan ogaaday in tiro ku dhaw 1000 qof oo walaalo Soomaali ah oo aan waxba galabsan qaarna ay naftoodii ku waayeen goobta kuwa kalena dhibtii ka soo gaadhay ay weli laba sanno ka dib u dhibanyihiin

Alle ha janneeyo dhammaan shuhadadii Soobbe .

LEAVE A REPLY