Home NEWS Kooxo hubeysan oo degmada Hodan ku dilay Oday 86 sano jir ahaa.

Kooxo hubeysan oo degmada Hodan ku dilay Oday 86 sano jir ahaa.

8
0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Kooxo hubeysan ay xalay magaalada Muqdisho ugu geysteen Oday da’ ahaa, kaasoo si weyn looga yaqaanay xaafadaha degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay  Xaafada Baramuudo, iyadoo ninka la dilayna uu kamid ahaa mas’uuliyiinta waaxda Axmed Gureey oo kamid ah waaxyaha ugu dadka badan ee degmada Hodan, waxa uu sidoo kale Aabe u ahaa Gudoomiyaha Waaxdaas Axmed Gureey.

Saddex dhalinyaro ah oo Bistoolado wadatay, loona badinayo iney ka tirsan yihiin Amniyaadka Shabaab, ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay ninka Odayga ahaa oo da’ xiligaasi ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala aagga Masjidka Sheekh Maxamed Abgaaloow.

Gacan ku dhiiglayaasha dilka geystay ayaa durba goobta isaga cararay, waxaana sidii caadiga eheydba daqiiqado kadib halka dilka uu ka dhacay gaaray Ciidamo uu watay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Hodan Bashiir Dhuqun.

Meydka marxuumka ayaa la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D. halkaasoo Sawirran looga qaaday, waxaana dib loogu celiyay gurigiisa, halkaasoo ay haatan ka socoto qaban qaabada aaskiisa.

LEAVE A REPLY