Home NEWS Gudoomiyihii iyo Duqii Buulo Burde oo xilalkii laga qaaday iyo Xiisad saaka...

Gudoomiyihii iyo Duqii Buulo Burde oo xilalkii laga qaaday iyo Xiisad saaka ka taagan magaalada.

36
0
SHARE

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle, ayaa xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Buulo Burde C/casiis C/laahi Cabdi (Duurow)  iyo  Duqii Magaalada, Maxamed Fiidow Cawaale.

Wareegto ka soo baxday Wasiir Caadle oo nuqul kamida uu arkay Xaldoon.Net ayaa sheegeysa in xil ka qaadistan ay timid kadib markii ay soo kordheen is qab qabsiga dhinaca maamulka ee ka jira magaalada, taasoo dhowr jeer cabashadeeda la gaarsiiyay Hirshabelle.

Wasiir Maxamed Cali Caadle, ayaa si Kumeel gaara xilka Gudoomiyaha Buulo Burde u magacaabay Liibaan Cabdi Nuur (Burisow) oo ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Degmada Buulo Burde.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabelle, ayaa Shacabka magaalada iyo Ciidamada amaanka faray iney si dhow ula shaqeeyaan maamulka cusub, iyadoo Gudoomiyahana la faray inuu shaqada laba jibaaro.

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Buulo Burde ayaa sheegaya iney halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xil ka qaadista, iyadoo labada mas’uul ee shaqada laga eryay ay iska diideen xil ka qaadista, waxaana laga cabsi qabaa inuu gacan ka hadal goobta ka dhoco.

LEAVE A REPLY