Home NEWS Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka furay shir muhiim ah.

Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka furay shir muhiim ah.

30
0
SHARE

Shirka Maalgashiga Puntland ayaa maanta ka furmay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaa ka qayb-gelaya Maalgashadayaal caalami ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay’addo caalami ah iyo masuuliyiin kale.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ka qayb-galaya  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad iyo Labaad ee Golaha Wakiilada Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha maamulka.

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kormeeray qaybta bandhigga Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland oo ay kusoo bandhigeen Ganacsigooda iyo wax-soosaarkooda, waxaana ay ku bogaadiyeen dedaalkooda ganacsi iyo kasoo qayb-galkooda Shirka.

Madaxweyne Deni oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Daahfurka Shirka Maalgashiga Puntland oo socondoona 15-17, Sep, 2019 ayaa amaanay kaalinta ganacsatada Puntland ay ka qaateen dib u dhiska iyo horumarka ganacsi ee ka jira Puntland.

 

LEAVE A REPLY