Home NEWS Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay qorshaha Farmaajo iyo Khayre ee...

Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay qorshaha Farmaajo iyo Khayre ee muddo kororsi labo sano ah.

37
0
SHARE

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu markii u horeysay ku soo hadal qaaday wararka la xiriira in Villa Somaliya ay damacsan tahay iney mudo laba sano ah waqtiga ku darsato, xili gabaabsi uu yahay mudo xileedkeeda.

Madaxweyne Deni oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay ineysan dalkan ka dhici Karin mudo kororsi, hadey taasi dhacdana uu dalka galao qalalaase iyo fowdo, lagana gudbayo xaalada degan ee haatan wadanka uu ku jiro.

“Wax la yiraah waqti kororsi kama dhici karo dalkaan, maxaa yeelay dalkaan wuxuu ku jiraa geeddi socod siyaasadeed oo loo horseedayo inuu hey’adihiisa caga dhigtaan, inta taas lagu jiro wada tashi iyi isku tanaasul baa saldhig u ah”ayuu yiri Saciid Deni.

Siciid C/llaahi Deni oo 8-dii January 2019 loo doortay xilka, ayaa sheegay in hadii qorshaha madaxda dowladda uu u hirgalo ay ka dhigan tahay in la hareer maray nidaamkii soo tixnaa dowladihii dalkan isaga kala danbeeyay tan iyo midi Mbagathi 2004.

“Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004 dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan inay dhacaan,  waxay dib u celineysaa in Soomaaliya halka arrin u qabsamoomay inay dib uga noqoto, hada waxaa u qabsoomay afar sano kasta in la is doorto, kaasaa rajeynayaa in aysan caqabad gelin, haddii tii la rabay la qaban waayo, in kuwo xilligii hore la qaban jiray la sameeyo oo la dhaho maxaa noo dan ah”ayuu yiri Saciid Deni.

Si kastaba, Hadalka Deni wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo uu jiro guux ku aadan in madaxda dalka ay qorsheynayaa muddo kororsi sharci darro ah oo ay sameystaan, xili mudada xil heyntooda ay ka harsan tahay oo qura 16 bilood.

Hadalheynta ayaa sii xoogeysatay ka gedaal markii xubnaha diyaarinaya sharciga doorashooyinka warbixin soo saareen kusoo jeediyeen arrintaasi, iyadoo hadii sidaas wax u dhacaan ay meesha ka baxday balanqaadkii Farmaajo.

LEAVE A REPLY