Home NEWS Ciidamada Amaanka Baydhabo oo xabsiga ka sii daayay Gudoomiyaha Ururada Bulshada ee...

Ciidamada Amaanka Baydhabo oo xabsiga ka sii daayay Gudoomiyaha Ururada Bulshada ee Koonfur Galbeed.

32
0
SHARE

Ciidamada Koofur Galbeed ayaa xabsiga ka sii daayay Luul Isaaq Aadam oo ah Gudoomiyaha Ururada Bulshada ee Koonfur Galbeed, taasoo maalmihii u danbeeyay ku jirtay Xabsi ku yaala xarunta Kumeel gaarka u ah Koofur Galbeed.

Haweeneydan waxaa la xiray 8-dii bishan September, xiligaas oo Baydhabo lagu toogtay nin dhalinyara ah oo ay gaari wada saarnaayeen.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Deerow ayaa waxaa dilay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed, waxaana uu dilku ka dhacay xaafadda Berdaale, iyadoo xiliga la toogtayna uu goobta loo xiray Ra’iisul Wasaare Khayre oo garoon dhagax dhigayay.

Luul Isack Aadam oo Warbaahinta gudaha si kooban ula hadashay marka la sii daayay waxa ay sheegtay in xaaladeedu wanaagsan tahay, dibna faah faahin ka bixin doonto.

LEAVE A REPLY