Waxa Dhuusamareeb ka Socdaahi Dib-U-Heshiisiin Maahan ee waa Howlgal Ciidan.

Marka si quman loo qiimeeyo waxa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka waddo magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta u ah Maamul Goboleedka Galmudug lama oran karo waxaa halkaas ka socda shir dib-u-heshiisiin iyo maamul uursami leh oo ay dhisanayaa beelaha degaanku. Dib u heshiin waxay dhacdaa marka dhinacyada ay qusaysaa si rabitaankooda ah u wada fariistaan, daka qaybta ku lehina ay u  dhan yihiin,  ayna dhanacyadu qilaafkooda uga hadlaan sii macquul ah iyadoon aysan jirin handadaad iyo jujuub madasha carqaladaynaya. 

Iyadoo ay ahayd in la tixgeliyo waxaas muhiimka si shirku u najaxo, hadda waxaan arkaynaa in dowladdu ay kusii daabulayso magaalada ciidan farabadan, sanad iyo wax loogu yeeray ergo beelaha Galmudug dega oo laga keenayo meelo kala duwan. 

Waxaa beelaha degaanka shirar hoose uga socdaan deeganooda. Waxaa saluugsan waxa dowladdu waddo maamuladii degaanka horay uga jiray. Gudigii horay loogu xilsaaray qabashada shirka Galmudugan waxaa ku yimid caqabo u baahan in la xaliyo intaysan howsha sii wadan. Haddaba miyaan lagu nisbayn karin waxa Dhuusamareeb ka socdaahi waa howlgal ciidan oo aan weli la ogaan muraadka ay dowladdu ka leedahay. Waxaan kula talin lahaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ka fiirsato fal jajuub ah oo ay ku dhisayso maamul aan Galmudug u dhammayn. Haddii ay taasi dhacdo waxaa imaan doona in maamulkii ay samaysaa shaqayn waayo. In nacaybka loo qabo dowladda oo hadda la saluugsan yahay sii kordho. In awoodda qarannimada Soomaaliya oo hadda qar ka lulataan haaddaan ku dhacdo.

Waxaan rajaynayaa in hogaamiyaasha Soomaaliya ee hadda aysan xal bidin siyaasado dhabar-jebin ah oo habeenkii lala dheelmado iyo ficilo qolo ku xumayn ah.

WQ/Omar Diini Geedi