Sirdoonka Ingiriiska ee MI5 oo baaritaano ku haya meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir.

Wararka naga soo gaaraya magaalada DOXA ee Caasimada dalka Qatar, ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ku dheganaayeen  meydka Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer C/ramaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

Gudoomiye Yariisoow ayaa galabnimadii Khamiistii ku geeiryooday HAMAD General Hospital, halkaas oo mudo todobaad ah lagula tacaalayay xaaladiisa Caafimaad, isagoo dhaawacyo daran ay ka soo gaareen Madaxa iyo Caloosha.

Sida wararku sheegayaan, Saraakiishan ayaa tagay Isbitaalka uu ku jiray, si gaar ah qeybta Firinjeerka ee la galiyo meydadka, iyagoo halkaasna ka sameeyay baaritaano, waxey sidoo kale wareysiyo la qaateen dhaqaatiirta ku howlaneyd badbaadinta marxuumka.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar C/risaaq Taano ayaa qiray in xubno ka socday dowladda Ingiriiska ay tageen Isbitaalka, isagana uu qeyb ka ahaa dadka la wareystay, wallow uusan bixin faah faahin intaas ka dheeri ah.

Wuxuu qorshaha ahaa in meydka marxuum Yariisoow la keeno magaalada Muqdisho abaara 11:00AM ee barqanimada maanta ah, balse waxaa hada soo shaac baxeysa in suura gal ay tahay iney ilaa galabta dib uga dhacdo aasida meydka, hadaanba maalin kale noqon.

Warar baraha bulshada lagu baahiyay ayaa shaki abuuray,kaidb markii Wariyayaal iyo Siyaasiyiin caan ah ay sheegeen in marxuum Yariisoow aanu dhaawicii soo gaaray u dhiman, balse ay jiraan tuhuno la xiriira in la dilay, wallow arintan xaqiiqdeeda aan wali la helin.