Home NEWS Sawirro: Gudoomiye Cumar Finish oo isku aamini waayay Ciidamada xarunta gobolka Banaadir.

Sawirro: Gudoomiye Cumar Finish oo isku aamini waayay Ciidamada xarunta gobolka Banaadir.

95
0
SHARE

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish), ayaa maanta tagay Aqalka dowladda Hoose, isagoo kormeeray xafiisyada xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Cumar Finish oo wata ilaaladii ugu badneyd, ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay Kuxigeenadiisa, Xoghayaha gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada, iyadoo laga arinsanayay sidii shaqada ay u sii socon leheyd.

Cumar Finish ayaa u muuqda inuu isku aamini waayay Ciidamada ilaalada ka haya Aqalka Dowladda Hoose isagoo maanta xarunta la tagay Boqolaal askari oo isugu jira Boolis, Milatari, Nabad Sugid iyo Ciidan kaloo dhar cad ah.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee D/hoose iyo Maamulka Gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda gali doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina horyaalla” ayuu yiri Cumar Finish.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa la filayaa inuu Caawa si rasmi ah xilka ugala wareego Kusimaha Gudoomiyaha, ahna Gudoomiye Kuxigeenka maamulka iyo maaliyada Ibraahim Dheere, kaasoo xilka qabtay markii qaraxa lagu dilay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

LEAVE A REPLY