Sawirro: Ciidan ka tirsan Kumaandooska oo soo gaaray Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Somaliya oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga.

Ciidankaan ayaa markii hore waxaa lagu tababaray Xerada Turksom ee Muqdisho, kadibna waxaa dalka Turkiga loogu qaaday tababar dheeri ah.

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Fadaralka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde ku soo dhaweeyay Ciidamadan oo dalka dib ugu soo laabtay.

Taliyaha Ciidamada dhulka ee Militariga Somaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynaayo Ciidankaan oo ah kuwa muhiim u ah dalka.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowladda Turkiga kaga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.