Home NEWS Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baydhabo.

Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baydhabo.

76
0
SHARE

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa saaka magaalada Baydhabo ku toogatay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Markuus, isagoo ku sugnaa Beer uu ku lahaa duleedka xarunta Gobolka Bay.

Marxuumka oo si weyn looga garanayay guud ahaan gobolada Bay iyo Bakool, ayaa wararka qaar ee soo baxaya waxay sheegayaan in loo dilay aano qabiil, iyadoo dadkii dilkiisa ka danbeeyay goobta isaga baxsatay.

Sida wararku sheegayaan, Guud ahaan magaalada Baydhabo waxaa maanta laga dareemayaa xiisad colaaleed iyadoona lagu arkayo faras magaalaha ciidamo aad u badan, iyagoo si aad ah u feejigan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta Gareen ayaa deg deg isugu yeeray Taliyayaasha Ciidamada, isagoo faray iney sameeyaan howlgalo culus, deg degna gacanta loogu soo dhigo qofkii dilka ka danbeeyay.

LEAVE A REPLY