Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubaland oo lagu doortay magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada Jubaland ayaa goordhow magaalada Kismaayo ku doortay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Jubaland, kadib doorasho durba lagu kala baxay oo ka dhacday hoolka Daawad.

Sida wararku sheegayaan, waxaa doorashada Gudoonka Baarlamaanka cusub ee maamulka Jubaland ku guukeystay Xildhibaan Cabdi Maxamed C/raxmaan, kaasoo helay 55 cod, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka iyo Xuduudaha.

Xildhibaan Xuseen Shiilow Cali oo ahaa  Musharixii kale ee la tartamayay ayaa isaguna helay 18 Cod, mana jirin wax cod ah oo halaabay ama xumaaday, maadaama Xildhibaanada codeyneysay ay ahaayeen 73 mudane.

Natiijada kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jubaland ayaa isla goobta ku dhaariyay guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jubaland, waxaana haatan loo baxay doorashada Gudoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka Jubaland.

Inuu kursiga ku soo laabto Xildhibaan Cabdi Maxamed C/raxmaan Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubaland, waxey bilow u tahay guusha uu Axmed Madoobe ka keeni karo doorashada dhaceysa Khamiista soo socota ee Xilka madaxtinimo.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaalia ayaa goobjoog ka ahaa hoolka doorashada oo amnigeeda ay sugayaan Ciidamada Amisom.