Garoonka Koonis oo loogu magac daray Marxuum C/raxmaan Yariisoow.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium loogu magac daray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow maadaama uu naftiisa u huray Dalka ,qof kasta oo Halyeey ah oo Dalkaan wax kusoo kordhiyana sidaas loo xasuusanayo.

Hadalkan waxa uu kaga dhawaaqay Isu soo bax loogu duceynayay Gudoomiyihii gobolka Banaadir oo maanta lagu qabtay degmada C/Casiis, si gaar ah Garoonkii Banaadir Stadium ee maanta loo bixiyay Garoonka C/raxmaan Yariisoow.

Sidoo kale waxaa ka hadlay madasha marxuumka loogu duceynayay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, isagoo soo bandhigay wxayaabaha uu ku xasuusan doono Duqii Muqdisho oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Ismiidaamin ka dhacday Aqalka dowladda Hoose 24-kii bishii hore ee sanadkan.

Maxamed C/raxmaan oo kamid ah Ilmaha uu dhalay Duqii Muqdisho oo hadalka qaatay waxa uu sheegay in Aabihiis uu dalkan wax badan u soo qabtay, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ku amaanay sidey ugu soo duceeyeen intii uu xanuunsanaa ilaa geeridiisii.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaan sidii la rabay u sameyn baaritaanada qarixii xafiiska Yariisoow, iyadoo laamaha amaanka warka ku soo koobeen in Haweeney Araga Naafo ka ah ay is qarxisay, iyagoo sidoo kale baadi goobayo Gabar kale oo qorshahan la waday qofta is qarxisay.