Home NEWS 4 qof Ajaanib ah oo lagu toogtay magaalada Hargeysa.

4 qof Ajaanib ah oo lagu toogtay magaalada Hargeysa.

56
0
SHARE

Kooxo hubeysan ayaa xalay deegaanka Halleeya  ee duleedka magaalada Hargeysa waxa ay ku dishay laba qof oo Dumar ah, kuwaasoo u dhashay wadanka Itoobiya.

Dableyda weerarka geysatay waxey sidoo kale dhaawac daran u geysatay laba qof oo kale, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba ay ahaayeen kuwo ka soo jeedaa Qowmiyada Oromada ee ka soo jeeda wadanka Itoobiya.

Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle ayaa labada qof ee dhintay ku sheegay iney qeyb ka ahaayeen dad la tahriibinayay, balse ay rasaas ku fureen gaarigooda rag burcad ah.

Ciidamada amaanka ee maamulka Somalialnd ayaa durba sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay dhamaan dadkii ka danbeeyay weerarka, iyadoo haatan su’aalo lagu weydiinayo Saldhigga Ciidamada ee Hargeysa.

Dableyda weerarka geysatay waxaa la sheegay iney Khamri soo cabeen, iyadoo howlgalka la sameeyay ee iyaga lagu soo qbatay sidoo kale lagu soo helay 861 Ltr oo Khamri ah.

LEAVE A REPLY