Home NEWS Shabaab oo Saddex maalin gudeheed 14 qof fagaare ku toogatay.

Shabaab oo Saddex maalin gudeheed 14 qof fagaare ku toogatay.

56
0
SHARE

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala Jubbada Dhexe iyo Sh.Hoose waxa ay ku dishay 4 qof oo Saddex kamid ah ay sheegtay iney ahaayeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda, halka qofka 4-aadna ahaa nin ay Shabaab ku sheegeen Sixiroole.

Dilka hore waxa uu Jimcihii shalay ka dhacay Fagaare kuyaal deegaanka Kurtun Waareey ee gobolka Sh.Hoose, waxeyna halkaasi ku dileen askar ay sheegeen iney ku soo qabteen howlgallo gaar ahaa oo Kooxdani ay ka sameysay aagga toogashada ay ka dhacday.

Garsooraha Maxkamada Shabaab ayaa fagaaraha uu dilkan ka dhacayay waxa uu ka sheegay in raggan xukunkooda uu dil yahay,taasoo keentay in Kooxda toogahsada u qaabilsanaa Ururkan Mayalka adag ay durba fuliyaan.

Eedeysanayaasha Shabaabku toogteen waxaa lagu kala magacaabaa; amiin Tifoow oo 23 sana jir ah, Muxiidiin Max’med Cabdi Raxiin oo 36 sana jir ah iyo Cabdi Wahaab Axmed Xasan oo 30 sana jir ah .

Sidoo kale Shabaab waxa ay fagaare ku yaala magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada  dhexe ku dileen nin ay magaciisa ku sheegeen Cali Xasaneey Axmed Kaaytooy oo 35 sana jir ah, kaaso ay ku sheegeen inuu ahaa nin Sixiroole ah.

Garsooraha Maxkamada Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in ninkan ay dileen uu dadka  ku diri jiray Jiniga isla isaga ayaana ka saari jiray Jiniga wuxuuna ka qaadan jiray lacago farabadan, isahoo muddo sanada ah ku shaqeysanayay ka hor intii maamullada Shabaab ka hana qaadin Jubbooyinka balse uu markale dib ubilaabay.

Si kastaba, Maalmihii Arbacada iyo Khamiista ayaa degmooyinka Xagar iyo Salagle oo ka kala tirsan labada Jubbo waxaa lagu dilay 10 Nin oo ku eedaysnaa in ay dowlado shisheeye ubasaasayeen iyadoona shalay Bu’aale lagu dilay Ninkan Sixiroolaha ah isku geynna xukunnada Kooxdan ee sedax maalmood gudahood ka dhacay Jubbooyinka waxay gaarayaan 11 xukun.

LEAVE A REPLY