Dhageyso: 10 Xildhibaan oo si adag uga hadlay xarriga 4 qof oo lacago ka qaatay RW Khayre.

10 kamid ah Xildhibaanada maamulka Puntland, ayaa si kulul uga hadlay xarriga magaalada Boosaaso loogu geystay 4 qof oo kamid ah dadkii waday dhismaha wado ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Xildhibaanada oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Wakiilada ee Garoowe, ayaa sheegay iney sharci darro tahay xarriga xubnahan, iyagoo deg deg u dalbaday in loogu sii daayo shuruud la’aan.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay ineysan jirin meel ay Dastuurkooda uga qoran tahay in la xiro dadkii lacago Bulshada loogu adeegayo ka gudooma madaxda dowladda Soomaaliya, waxeyna ku hanjabeen in Cawaaqib xumo ay ka iman doonto hadii xabsiga lagu sii hayo.

Xubnaha Guddigan oo kala ah, Sheekh Maxamed Macalin oo ah guddoomiyaha guddiga, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, Guddoomiye ku-xigeen, Sheekh Maxamed Faahiye Ciise iyo Ing Malfo, ayaa xarigooda soo bilowday Khamiistii tdobaadkii hore

Xildhibaanada Shirka Jaraa’id Qabtay.

Saadiq Abshir Garaad

C/raxmaan Siciid Faarax

Cabdijamaal Maxamed Cismaan

C/raxmaan Maxamed Dhoore

C/raxman Diirye Carab

Ayaanle Galan Guuleed

Saleebaan Faarax Ciise

Maxamuud Axmed Cali

Faarax Khaliif Cilmi

Maxamed Ismaaciil Maxamed

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Xildhibaanada Puntland: