Askar badan oo ku dhimatay qarax xooggan oo ka dhacay Sh.Hoose.

Warar dgeeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Xoogga oo ka dhacay gobolka Sh.Hoose, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa qabsatay gaari Cabdi Bile ah oo marayay inta u dhexeysa deegaanada Bariire iyo Number 60.

Shan askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa ku geeriyootay qaraxan, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, waxaana jugta qaraxa laga maqlay deegaano kamid ah gobolka.

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, ayaa durba u gurmaday askarta waxyeelada gaartay, iyagoo dhinaca Muqdisho u qaaday dadka dhaawacyada daran qaba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxeyna ku faantay in askar badan ay ku leysay gobolka Sh.Hoose, kadib markii gaari ay wateen uu qabsaday qarax wadada lagu qariyay.