Home NEWS Xukuumada Soomaaliya oo shuruud ku xirtay qabsoomiada doorashada Jubaland

Xukuumada Soomaaliya oo shuruud ku xirtay qabsoomiada doorashada Jubaland

52
0
SHARE

Xukuumada Soomaaliya, ayaa Caawa soo saartay qodobo ay ku soo dartay doorashada Jubaland ee la filayo iney dhacdo bisha Augosto ee sanadkan 2019, iyadoo si aad ah Codeynta looga dhur sugayo.

Sida ku cad bayaanka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha soo saartay waxa ay ku sheegtay iney iyada meel marineso Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada soo socda

Qoraalka oo laba bog ka koobnaa waxaa sidoo kale lagu cadeeyay in doorashada ay ka dhaceyso Xarunta Akadeemiyada Ciidamada Booliska ama Xarunta Qaramada Midoobe ee Kismaayo.

Wasaarada waxa ay sidoo kale sheegtay in iyada iyo Beesha Caalamka ay kor joogto ka noqonayaan geedi socodka doorashada Madaxweynaha, si ay ugula socdan hadba halka ay howshu mareyso.

 

LEAVE A REPLY