Sawirro: Wasiirka arrimaha dibadda Norwey oo Muqdisho soo gaartay, xili la ansixiyay Sharciga Batroolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ine Marie Eriksen iyo wafdi balaaran oo ay hoggaamineysay, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kulamo ay la qaadan doonto Madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya.

Ra’siiul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana intaasi kadib loo galbiyay Villa Somaliya.

“Waxa aan maanta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo Booqasho ku timid dalka” ayuu yiri Guuleed oo qoraal kooban soo dhigay Facebookisa

Si kastaba, Imaanshaheeda ayaa ku soo aadaya, todobaadyo kaddib markii uu Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay Sharciga Batroolka, kaasoo ay dadaal weyn galisay Xukuumada Soomaaliya, waxaana Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre yahay qof heysta dhalashada dalka Norwey.