Home NEWS Sagaal qof oo reer Koofur Galbeed ah oo xalay hal meel lagu...

Sagaal qof oo reer Koofur Galbeed ah oo xalay hal meel lagu wada toogtay.

66
0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Sagaal qof oo Shacab ah, kuwaasoo ahaa dhalinyaro ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, iyadoo toogashadooda ay geysteen Maleeshiyaad deegaanka ah.

sida wararku sheegayaan, toogashadan waxaa ay daba socotay dil Kooxo hubeysan ay Gaalkacyo ugu geysteen nin lagu magacaabi jiray Cali Dhiif oo ahaa sarkaal katirsan ciidanka Nabad Sugida Galmudug, iyadoo la tuhmay in dadkan ay geeridiisa ka danbeeyeen.

Sagaalkan qof oo hal meel lagu toogtay sida dad soo qaaday ay inoo  shegeen, waxaana la keenay meydadkooda isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ah mid murugeysan, waxeyna dadka hadal hayaan Shacabka la xasuuqay, mana jirto cid u istaagtay wax ka qabashada dhibaatooyinka loo geysanayo, iyadoo reer Koofur Galbeed mudooinkan lagu beegsanayay deegaanada Galmudug.

Habeenkii Arbacada ee todobaadkii tagay ayey eheyd markii meel 18km dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud lagu dilay Afar qof oo ka soo jeeday deegaanada Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY