Qarax iyo toogasho ka dhacday magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay Ciidamo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, kuwaasoo ku sugnaa goob gawaarida lacago looga qaado.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa Miino ayaa la dhigay goobta kahor inta aysan tagin Ciidamada, iyadoo qaraxa uu dhacay xili askarta ku howlanaayeen qaadista lacagta ay ka uruuriyaan gaadiidka.

Mid kamid ah dadka ku sugan Buurhakabo ayaa sheegay in qaraxa uu jiro khasaare ka soo gaaray Ciidamada, walow aan la ogaan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, maadaama Ciidanada weerarka kadib ay rasaas xooggan rideen.

Dhinaca Kalena, Koox hubeysa oo Shabaab ah ayaa bartamaha magaalada ku dishay Nin Nabadoon ahaa oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Subagle, wuxuuna kamid ahaa ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay magaalada Baydhabo sanadkii 2016.

Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilkan waxey sheegteen in dagaalyahano kuwooda ah ay weerarka fuliyeen, iyagoona toogashada kadib si Nabad gelyo leh isaga soo tagay goobta.

Ciidamada amanka ee Koofur Galbeed, ayaa wada howlgallo baaritaano ah, walow aan la soo sheegin iney gacanta ku soo dhigeen raggii labada weerar ka danbeeyay.

Si kastab, Magaalada Baydhabo waxaa xalay ka dhacay weerar kaa lamid ah, iyadoo qarax la dhigay Maqaaxi ku taala xaafada Wadajir ee Baydhabo lagu dilay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo kale, kuwaasoo dhamaantood Shacab ahaa.