Home NEWS Madaxweynaha K/Galbeed oo Si kulul uga hadlay dadkii looga laayay Gaalkacyo.

Madaxweynaha K/Galbeed oo Si kulul uga hadlay dadkii looga laayay Gaalkacyo.

51
0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Ayaa Maanta Shir Jaraa’id Ku qabtey Magaalada Baydhabo , ayaa waxaa uu si aad u Cambareyay Dilalkii Kala Duwana Ee Ka kala dhacay Dhuusmareeb Iyo Gaalkacyo,

Madaxweynaha ayaa Ugu horeen Tacasiyo u direy Dhaamaanba umadda Soomaaliyeed , gaar ahaan Ehladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Dadkii Shacabka ahaa sida Xaqdarada ah loogu diley Deeganada Galmudug, Isagoona Alle ugu bariyay in jannadii Fardowso ka waraabiyo,

Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa baaq udirey Dowladda Galmudug in Jawaab Deg Deg ah Naga soo sii-so Labadii dhacdo ee Ka kala Dhacay Dhuusmareeb Iyo Galkacyo Lagu laayey Dad Masaakiin ah oo Ganacsata ah oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku noolaa Deegaanadaaasi,

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sido kale Sheegey in Guddi Ka Kooban Wasiiro, loo xilsaari doono oo soo oganeya Xaqiiqada Dhabtaha Dhacdooyin kaasi ,

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , ayaa Bulshada Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Ku Nool Deeganada Galmudug ushegey in dib udajin loo sameynaayo ,Hadii la idin ku haayo Jirdil , Xarig , Xeebsoco, in dib aad ugu soo laabataan Deeganadiina Dowladiina ayaa Gacan idinka siineyso Soo labashadiin iyo soo Raristiina ayuu yiri”

Madaxweynaha ayaa Bulshada Reer Koonfur Galbeed Ugu baaqey in ay is dajiyaan inta dowlad Goboleedka Galmudug Jawaab Deg Deg ah ka soo bixineyso ayuu ku sii darey.

LEAVE A REPLY