Home NEWS Dhageyso: Xildhibaan Cabdi Barre oo bixiyay wareysi kulul uu uga hadlay xaalada...

Dhageyso: Xildhibaan Cabdi Barre oo bixiyay wareysi kulul uu uga hadlay xaalada guud ee dalka.

104
0
SHARE

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka, ayaa ka hadlay xaalada Guud ee dalka iyo khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta gudaha ayuu ku soo hadal qaaday socdaalka  Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Eriksen Søreide ay ku soo gaartay magaalada Muqdisho Isniintii shalay, isagoo sheegay in hadafkeeda uu ahaa oo kaliya sidii ay dalka uga saaran leheyd shidaalka ceegaaga.

Cabdi Barre, ayaa su’aal ka keenay waxa isku soo beegay Imaatinkeeda iyo todobaadyo kadib markii uu baarlamaanka meel mariyay sharciga Shidaalka, kaasoo ay diideen maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayuu kula taliyay iney u damqadaan Shacabkooda, isla mar ahaantaasina ay ka fikiraan sidii ay ula iman lahaayeen xal ka duwan in duulaan lagu qaado maamul goboleedyada oo uu ku sifeeyay garbihii ay Villa Somaliya ku duuleysay.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, ayaa ugu danbeyn shacabka reer Muqdisho kula taliyay iney ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horeyso xanibaadaha laga saaray isu socodkooda, isagoo sheegay in reer Muqdisho ay yihiin dadka kaliya ee bixiya Canshuurta dowladda.

Halkan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Cabdi Barre:

LEAVE A REPLY