Dhageyso: Madaxweyne Waare oo sheegay in la soo qbatay askartii dishay Taliyihii Booliska Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa markii u horeysay ka hadlay weerarkii lagu dilay Taliyihii Qeybta Boliiska Gobolka Gobolka Hiiraan Cor Maxamed Mocow.

Waare oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Beledweyn, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii dishay Taliyaha, sidoo kalena Cadaalada la horkeeni doono mas’uulkii amarkaas bixiyay oo uu ula jeeday Gudoomiyihii Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale fariin ud iray Shacabka ku nool xaafadaha xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna u sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan dadka falalka amni darro ka wada magaalada, wuxuuna si cad u sheegay inuusan ogolaaneynin in banaanbaxyo rabshado wata dhacaan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay Guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay baarista dagaalka Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Booliska ku dhexmaray deegaanka Kalabeyr oo 25KM u jirta Beledweyn.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka MD Waare: