Ciidamo Milatari ah oo Muqdisho ku dilay Wiil watay Mooto Bajaaj.

Wararka naga soo gaaray deegaanka Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomalaiya ay halkaasi ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj.

Sida wararku sheegayaan toogashada waxaa geystay mid kamid ah askartii saarnaa gaariga Cabdi Bilaha ah, iyadoo uu rasaas la dhacay nin Wade ka ahaa Mooto Bajaaj daba socotay gaariga Ciidanka ay wateen oo dhinaca Afgooye ku sii jeeday.

Qof kamid ah dadkii ka agdhawaa goobta dilka uu ka dhacay ayaa Wabaahinta Xaldoon.Net u sheegay in marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali  Maxamed Warsame ay meydkiisa qaateen markii danbe ehelkiisa, maadaama ay goobta isaga carareen Ciidamadii toogashada u geystay.

Meydka ninka la dilay waxaa la keenay xarunta baarista danbiya ee C.I.D, halkaas oo Sawirran looga qaaday, waxaana markii danbe aastay ehelkiisa.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa inta badan iska dila dhalinyarada kaxeysa Mootooyinka Bajaajta, iyadoo Saraakiisha Ciidamada ay ku guul dareysteen iney ilaaliyaan anshaxa askarta.