Burcad Soomaali ah oo ganacsade Soomaaliyeed ku dishay dalka Koofur Afrika.

Koox Burcad ah, ayaa habeenkii Talaadada ee la soo dhaafay waxay Muwaadin Soomaali ah oo la oran jirey Aadan C/qaadir Jaamac oo 32-jir ahaa ku dileen dalka Koofur Afrika, kaasoo Dukaan ganacsi ku lahaa dalkaas.

Dilka marxuumka waxa uu si gaar ah uga dhacay Jidka Kerk Street ee Deegaanka Missionvale ee duleedka magaalladda Port Elizabeth, waxaana socda baaritaano ay wadaan Ciidamada danbi baarista, iyagoo ku raad jooga soo qabashada gacan ku dhiig laha.

Kolonel Priscilia Naidu oo ka tirsan Boliska dalkaasi ayaa Warbaahinta u sheegay in ninka burcadka ah ee dilka geystay uu yahay muwaadin kale oo Soomaali ah, kaaso ay si weyn u garanayaan Ciidanada amaanka, wuxuuna ku dhuumaaleysanayaa gudaha dalkaas isagoo baxsad ah.

Aadan C/qaadir Jaamac ayaa dhaawac daran oo ka soo gaaray qeybaha sare ee jirkiisa ugu geeriyooday Isbitaal loola cararay toogashada kadib, waxaana arintan ay baqdin ku beertay ganacsatada kale ee Soomaalida.

Arinta la yaabka leh ee dadka hadal hayaan ayaa ah in dhalinyarada Soomaalida ee dalkaasi ku sugan ay iyaga gacmohooda dil isugu adeegsadaan, tiiyoo ay u sii dheer tahay xadgudubyada Jinsiya neceybka salka ku haya ee ay kala kulmaan Koofur Afrikaanta.