Home NEWS Xildhibaanada Baarlamaanka oo 3 Ajende oo waaweyn maanta kaga doodaya kulankooda

Xildhibaanada Baarlamaanka oo 3 Ajende oo waaweyn maanta kaga doodaya kulankooda

54
0
SHARE

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda 15-aad ee kalfadhiga 5-aad, kaasoo looga arinsanayo Saddex Ajende.

Sida lagu sheegay fariin xalay loo diray Xildhibaanada, fadhiga maanta waxaa looga hadli doonaa arrimaha kala ah:

1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada.

2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel.

3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda.

Si kastaba, Guddiyada Saxaafada, Ganacsiga iyo kan Xuquuqul Insaanka ayaa Warbixin siinaya Baarlamaanka si ay u soo aqristaan, sharciyada iyo Warbixinadan kadibna dood loo galiyo.

LEAVE A REPLY