Home NEWS Sawirro: Ciidamada Somaliland oo Suuli ku yaala Hargeysa ka soo saaray Ilmo...

Sawirro: Ciidamada Somaliland oo Suuli ku yaala Hargeysa ka soo saaray Ilmo yar oo 24 Saac dhalnaa.

67
0
SHARE

Ciidamada Dab Damiska ee maamulka Somaliland, ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyaan Ilmo yar oo Suuliga lagu riday, isagoo Umul ahaa.

Image may contain: one or more people

Ciidamadan oo bur buriyay Suuliga, si ay Ilmaha u soo saaraan ayaa ku guuleystay howlgalkan, waxeyna Cunuga yar ula carareen xarumaha Caafimaadka, si xaaladiisa lagula tacaalo.

No photo description available.

Xaafada Otober ee magaalada Hargeysa oo ah halka ay arintan naxdinta leh ka dhacday, ayaa waxaa baaritaano ka wada Ciidamada Dab Damiska, kuwaasoo la wareegay baaritaanada Kiiskan.

Image may contain: one or more people, people sitting and people standing

“Maanta waxaa inoo timid haweeney inaga codsatay in suuli la siiyo, markii ay gashay, ayna baxday waxaan maqalnay canug ooynaaya, inagana waxaan ku wargelinay Ciidamada Dab Damiska.” Ayay tiri haweeney u hadashay dadkii guriga deganaa.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Si kastaba, deegaanada Somaliland waxaa badanaa ka dhaca Kiisaska la xiriira in Ilmaha yar lagu rido Suuliga, iyadoo dhowr jeer oo hore arintan ay dhacday, waxeyna dadka qaar u sababeeyaan in Gabdhaha Ilmahaasi dhalay ay ka baqdaan fadeexad ka soo wajahdo sida Ilmaha ay ku dhalaan, maadaama mararka qaar guur la’aan Haweenka ay Uureystaan.

LEAVE A REPLY