Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay nawaaxiga aargada Liido ee degmada Cabdi Casiis, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida wararka sheegayaan ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, maadaama aaney jirin cid u dhaweyd halka uu yaala gaatiga qarxay.

Gaariga qarxay waxaa la sheegay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, balse lama oga halka bartilmaameedkiisa uu ahaa, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu ka fashilmay Kooxda weerarkan soo abaabushay.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib rasaas dhowr jiho u furay, iyadoo mar kaliya uu is bedelay jawiga Muqdisho oo maanta degnaa, maadaama xili roobaad ay eheyd.

Bishan Ramadaan Caasimada waxaa ka dhacay dhowr qarax oo uu ku jiro midka lagu weeraray xarunta degnada Warta Nabada, mid ka dhacay aagga Hoteelka SYL, mid ka dhacay Kontrol NISA ay ku leedahay daljirka iyo mid kale oo ka dhacay afaafka hore ee Iskoolka Jabuuti.