meydka madaxweynihii u horeeyay ee Galmudug Kiimiko oo Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin  kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto.

https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uuna qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, Maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Galmudug.

https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Marxuumka la aasay  waxa uu  hore u ahaa La Taliye Sare ee madaxweynihii dalka Maxamed Siyaad Barre, waxa uu sidoo kale soo noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobe.

AHUN Amb. Maxamed Warsame Cali waxa uu sidoo xiligii dowladdii Milatariga soo noqday Safiir dalalka Faransiiska iyo Mareykanka.