Duqa Muqdisho oo shaqa joojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa shaqadii ka joojiyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Sida ku cad Qoraal uu soo saaray Yariisoow, shaqa Joojintan ayaa salka ku heysa amar diido iyo shaqo curyaamin uu ka wado qeybta Howlaha Guud iyo Nadaafadda gobolka.

Eedaha kale ee loo heysto y Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa ah amar uu ku bixiyay in la joojiyo mashruucii lagu dhisayay Garoonka Qoob Door ee degmada Kaaraan.

Shaqa Joojintan ayaa timid laba maalin kadib markii xilkii laga qaaday Gudoomiye Kuxigeenka Maaliyada maamulka gobolka Banaadir, iyadoo booskiisana shaqsi kale loo soo magacaabay.

Halkan Hoose ka Aqriso Wareegtada uu soo saaray Gudoomiyaha gobolka Banaadir:

Image may contain: text