Home NEWS Qarax iyo Toogasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Qarax iyo Toogasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

140
0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa  sheegaya in barqanimadii maanta uu ka dhacay qara  iyo toogasho lagu beegsaday dad Shacab ah.

Qaraxa waxa uu ka dhacay degmada Deyniile waxaana lala eegtay gaari SURF ah oo ay wateen dad Shacab ah, waxaana ku dhaawacmay Safdex qof uu ku jiro Dhakhtarka gaariga watay.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in qaraxa lala damacsanaa gaari uu watay Gudoomiyaha deyniile Maxamed Abuukar Jacfar, kaasoo marayay halka qaraxa uu ka dhacay.

Saddexda qof ee dhaawaca ah oo midi Haweeney tahay ayaa la geeyay Isbitaal Guutaale lagu magacaabo oo ka agdhawaa goobta, iyadoo loo soo wareejiyay Isbitaalada kale ee magaalada, maadaama xaaladooda wax ay ka qaban waayeen.

Dhinaca kalena, Askari katirsan Ciidamada dowladda ayaa qof shacab ah ku dilay xaafada Sey Piano ee degmada Hodan, iyadoo askariga wax dilay uu goobta isaga cararay.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sharmaake Tifoow, ayaa u shaqeynayay Turkida, Isagoo xiligaas watay gaari HILUX ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeyaa dilka Askariga uu u geystay qof Shacabka, iyadoo Saraakiisha amaankana aysan ka hadal dilka.

LEAVE A REPLY