Home NEWS La Taliyihii dhinaca dhaqaalaha ee RW Khayre oo maanta la wareegay xilka...

La Taliyihii dhinaca dhaqaalaha ee RW Khayre oo maanta la wareegay xilka Gudoomiyaha Bankiga Dhexe.

71
0
SHARE

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Bankiga Dhexe ee Somaaliya ayuu maanta Xilka si rasmi ah kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Guddoomihii hore ee Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise oo ka hadlayay  waxyaabihii usoo qabsoomay Bankiga dhexe sanadiihi la dhaafay ayaa sheegay in haatan uu marayo xilligii ugu haboonaa Madaamada Dhaqaalaha Dalka uu marayo dib u kabasho sido kale wuxuu bogaadiyay guddoomiyaha Cusub ee Xilka Culus loo igmaday.

Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Shaqadii uu soo qabtay guddoomiye Bashiir waxaana sheegay inuu ka shaqeynayo  sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa isku filnaasho.

Dhinaca kale Guddoomiyah  Cusub ee Bankiga Dhexe ayaa kulan isbarasho ah la qaatay qaar ka mid ah Shaqalaaha Bankiga dhexe  laguna Sagootinayay Gudoomiyhii hore ee Bankiga dhexe, waxaana guud ahaan lagu bogaadiyay waxqabadka bankiga dhexe uu u haayo ummada Soomaaliyeed.

Marwo Maryan Cabdullaahi Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe ayaa sheegtay in gacmo furan ay kusoo dhoweynayaan guddoomiyaha, shaqaalahana ay yihiin dhalinyaro Xirfad uleh shaqada Bankiga dhexe.

Guddomiyaha Cusub ee Bankiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa balan qaaday in Shaqo hufnaan leh uu la imaan doono,wuxuuna shaqaalaha ku dhiira geliyay in qof kasta si cadaalad u shaqeeyo.

Si kastaba, Guddoomiyaha cusub oo la soo magacaabay 4-tii bishan waxaa uu leeyahay khibrad dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyada, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa Guddiga soo xulida ninka noqonaya Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, inkastoo uu haatan noqday ninka loo xushay xilkaas.

Waxaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Togdheer, waxaa la sheegaa inay saaxibo dhow yihiin Ra’iisuo Wasaare Kheyre, waxaana uu heystaa dhalashada dalka Norway, waxaa uu ka soo shaqeeyay hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

LEAVE A REPLY