Koox hubeysan oo Saddex askari ku dishay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Saddex askari oo ku mashquulsanaa qaadista Canshuurta.

Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa toogtay askarta oo xiligaasi ku sugnaa Isgoyska Ceelasha Biyaha, iyagoo xiligaasi ku sugnaa goobo ganacsi oo ay lacago weydiinaeen,sidaas waxaa inoo sheegay dadka deegaanka.

Kooxda weerarka geysatay oo la tuhunsanyahay iney ka tirsanyiiin Shabab ayaa toogashada kadib goobta isaga cararay, waxaana goobta mar kaliya ay noqotay meel dhalinyarada ay ku kala carareen, si aan loola xiriirin dableyda weerarka geysatay.

Ciidamada amaanka ayaa sidii caadiga eheydba tagay goobta uu dilka uu ka dhacay waxeyna meesha ka qaadeen meydka askarta, iyagoo u soo qaaday xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, halkaas oo meydadka askarta iyo dadka shacabka ah ee la dilo sawirran looga qaado si baaris loogu sameeyo.

Si kastaba, deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ku badan yihiin Kooxaha Shabaab iyo Daacish ayaa si joogto ah waxaa loogu dilaa askarta Ciidanka, gaar ahaan kuwa Canshuuraha sida maalin laha ah uga qaado goobaha ganacsiga, waxaana la sameeyaa howlgallo baairtano ah walow aan lagu soo qaban danbiilayaasha.