FARMAAJOW SOCOTAYE, SIDII ROON

 

Telefishinnada caalamka, waxay xalay isugu yeeri lahaayeen khubarrada cilmi-nafsiga, haddii ay dhici lahayd wax u dhow ruwaayaddii duul-duulka badneyd, ee uu Farmaajo shalaytoole ku soo bandhigay masrax keligiis ah magaalada Muqdisho. Waxaa yaab lahayd, kor iyo hoos ayuu u bood-booday, hadba meel buu laacay. Waxaan soo xusuustay Axmed Saleebaan Bidde: ‘waa adiga kan liitee, hadba laan cuskanayee, maxaa luray naftaadii?, waa adiga kan laabtiyo, isla waayey lugahee, meel sare lalmanayee’. Ereyadaas, waxay i sii xusuusiyeen Al-Qasaali: ‘Ilaaheenna weyn baa / amarkiisu fulayaa, inaad adigu [keligaa] talisaad ayaamahan is mooddee.. Waa adduunyo, illeyn aayo ma lahee, ubixii baxaayaay, sowdigan abaarsaday?’. Haddaba, aaway taageeradii uu Farmaajo ku faani jiray, ee uu lahaa ‘shacabka ayaa i wata?’ Sow kuma soo dhammaan laaluush la bixiyo, oo lagu raadiyo loyalty? Shacabku, sow ma ahan kan bannaanbaxaya mar walba, ee leh ‘na dhaaf, waanu kugu qaldannay?’.

Markuu shalay Farmaajo boodboodka badiyey, mar baan waxaan keligey is iri ‘war, xaaladdu ma sahlana, armaad ceebowdaan, oo ninkii dhammaa, ee madaxweynaha ahaa uu dharka tuurtaa?’. Keli-talisnimada Farmaajo waxay gaadhay inuu yiraahdo waan dagaallamayaa, sidii inuu yahay askari hore oo war veteran ah, oo aqoon iyo khibrad u leg fanka dagaalka (the art of war). Calaamadaha keli-taliye walba, waxaa ka mid ah, wuxuu gariiraa maalinta kursigiisa loogu yimaado. Waxaa Farmaajo ka muuqday inuusan kursiga ka degi doonin illaa dagaal looga ceyriyo kursiga, sida keligii-taliyeyaasha kale ee Afrika. Ku sii darso, wuu tilmaamay siduu xukunka ku yimid, laakiin ma tilmaamin sida uu xukunka uga degi doono. Isagoo naqdinayey inuu yahay keligii-taliye ayuu ku cel-celiyey in si dimoqraadi ah lagu soo doortay (waa runtiis, laakiin wuxuusan ogeyn in Adolf Hitler lagu soo doortay isla dimoqraadiyaddaas).

Haddaba, sheekadii shalay waxay si cad ah oddoros uga bixisay in Farmaajo (1) uusan oggolaanin doonin in kursiga lagula tartamo, si la mid ah isla qaabkii uu isagu ku yimid, iyo (2) in uusan xukunka u dhiibi doonin sidii dimoqraadiga ahayd ee uu kula wareegay. Tusaale, wax walba waxaa ugu yaab badnaa markii uu masrixii uu saarnaa uu la soo istaagay inuu u dhaqmo sidii Maxamed Siyaad Barre oo kale, isagoo handaday mucaaradka ka soo horjeeda (daawo wareysiga YouTube ee uu Maxamed Siyaad Barre ku tilmaamay SNM iyo jabhadaha kale inay yihiin ‘argagixiso’). Sidii oo kale, ayaa Yariisow, wuxuu yeelay siduu yeeli jiray Yuusuf Abuuraas; wuxuu hooyooyin isugu keenay Wardhiigley (xilligii Maxamed Siyaad Barre ayaa Duqii Magaalada Muqdisho Yuusuf Abuuraas wuxuu hooyooyinka isugu geyn jiray Boondheere). Sidii oo kale ayaa lagu celceliyey ‘sax weeye, sax weeye, sax weeye’. Wax laga argagaxo ayay ahayd, oo ceeb ku ah dadkii u dhintay inay xukun keli-talis ah dalka kala diriraan inuu soo xusuusiyo heestii halaagga horseeday ee ahayd: ‘waddadii caddeyd, cagta saarnaye, ku carraabiyow, cimrigii jiryow, jiryow, caynaanka haay!’. Waxaan ku soo gaba-gabeynayaa inaan Farmaajo kala taliyo in uu dhiig sii dhex-dabaasho, si uu u sii haysto xukunkiisa keli-taliska ah.

WQ/ PROF. MOHAMED HAJi INGIRIIS