Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay darbiga garoonka Jaamacadaha oo soo dumay iyo dad wali ku hoos jira.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhow uu soo dumay Qeybta VIP-da ee Garoonka Jaamacadaha ee ku yaala degmada Hodan, iyadoo uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida wararku sheegayaan, Inta lanog yahay laba qof ayaa dhismaha dumay ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo kale, iyadoo dhismaha soo dumay uu wali ku hoos jiro hal ruux oo kale.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dhismaha darbigiisa uu mar kaliya soo dumay, taasoo keentay inuu ku fariisto dadkii goobta joogay, waxeyna Shacab is xil qaamay ku guuleysteen in darbiga hoostiisa ka soo saaraan meydka labada qof iyo Dhaawaca Saddexda ruux kale.

Lama oga waxa ay yihiin dadka gidaarka soo dumay wax ku noqotay, iyadoo qeybta soo duntay ay eheyd meesha ay fariistaan mas’uuliyiinta garoonka u daawasho tagta, Inkastoo maanta aan ciyaar jirin, maadaama subax ay tahay, hadana waxaa subixii ku aalamiiteeya Ciyaartoyda heerka Koowaad ee Qaranka.

Garoonka Jaamacadaha waxaa ka socda dib u dayactir ay qarashaad ku bixineyso xiriirka FIFA, waxaana mashruuca dhismaha loo xil saaray Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliya oo la runeysan yahay iney wax musuq maasuqaan.