Dhageyso: Shan qof oo isku qoys ah oo Caawa si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa Caawa Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Wadajir waxa ay ku dishay 5 qof, halka ay dhaawaceen 3 qof oo kale, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayna ay isku qoys ahaayeen.

Dabley hubeysan oo wadatay gaari SURF ah ayaa la sheegay iney toogasho ka geysteen guri ay qoys Shacab ah degnayaan, iyadoo dilka kadibna ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen.

Ciidamada amaanka ayaa toogahsada kadib tagay goobta, kuwaasoo meesha ka qaaday meydadka, iyagoo geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, halkaas oo sawirran looga qaaday, si baaritaano loogu sameeyo.

Kooxda weerarka geysatay oo Shan qof ka koobnaa ayaa watay dharka Ciidamada dowladda, iyadoo dilkanna uu salka ku hao aanooyinka qabiil ee ka socda gobolka Sh.Hoose.

Mid kamid ah ehelka qoyska dhibta ay gaartay ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in Ciidamada dowladda ay wadaan baaritaano lagu soo qabanayo Kooxdii weerarka geysatay, iyadoo la raacdeysanayo raadka gaarigii ay wateen.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Ninka kamid ka ah Qoyska: